Somali News

In ka badan 10 ruux ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Mali.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 14 ruux ayaa dhimatay kadib markii uu qarax xoogan qabsaday mid kamid ah gawaarida dadka rakaab ah ay raacaan oo ku safrayay gobolka Mopti, sida uu sheegay Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in qaraxaasi ay ku dhawacmaan illaa iyo 24 ruux oo kale iyadoona todobo kamid ah dhaawacaasi ay xaaladoodu halis tahay.

Gaarigan oo ay saaranayan 60 rakaab ah ayaa kasoo safray magaalada bartamaha dalkaasi ku taala ee Douentza isagoona kusoo jeeday magaalada Gao.

Goob jooge u dhawaa halka uu qaraxu ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in walaashiis iyo ina adeerkiis ay kamid noqdeen dadkii ku dhintay shilkaasi.

 “Ciidamada ayaa isku dayaya in meedadka ay kasoo saaraan gaariga hoostiisa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay goob joogahaasi.

Gobolka ku yaala waqooyiga dalka Mali ayaa gacanta kooxaha hubaysan ku jiray tan iyo sanadkii 2012’kii kahor inta aysan halkaasi xoog kaga saarin militariga uu Faransiisku hogaamiyo.