Uncategorized

In ka badan 1,500 oo Jabhada ONLF ah oo laga siideynayo xabsiyada Itoobiya.

Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in maanta la sii deyn doono in ka badan 1,500 oo qof oo ka tirsan Jabhada ONLF kuwaas oo ku xernaa xabsiyo ku yaala gudaha Magaalada Jig jiga iyo deegaano kale.

Maxaabiistaan ayaa ku xernaay xabsiga dhexe Magaalada Jig jiga ee la yiraahdo Jeel ogaadeeniya, xabsigaan iyo kuwoo kala ayaa waxaa ku jira xubno sar sare oo ka mid ah Jabhada ONLF oo mudo dheer ku xernay xabsiyadaasi, maanta ayaa la filayaa in qaar ka mid ah xubnaha jabhadaasi la siidaayo.

Siideysmada Maxaabiistaan ayaa ka danbeysa ka dib markii dhawaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gaba gabeeyay shir u dhaxeeyay Jabhada ONLF iyo dowlada Itoobiya kaas oo looga hadlay arimo kala duwan, wararka qaar ayaa tilmaamaya siideysmada maxaabiistaan in ay daba socoto shirkii ka dhacay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kala arintaan ayaa qeyb ka ah  rabshadaha ka socda gudaha dalka Itoobiya iyo is casilaadii  Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, kuwaas oo fudadeeyay sii deysmada maxaabiistaan.

Dowlada Itoobiya waxaa bishii la soo dhaafay laga siidaayay kumanaan maxaabiis Itoobiyaan ah, kuwaas oo inta badan ka soo jeeday qoomiyada Oromada.