Somali News

In ka badan 1,500 oo maxbuus ah oo cafis loo fidiyay

Hogaamiyaha Sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cafinaya ama sanadaha xabsiga ka yareynaya maxaabiis dhan 1,542. Tallaabadan ayuu hogaamiyuhu u sameynayaa xuska gabagabada bisha barakeysan ee Ramadan, sida lagu qoray website-kiisa.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa “ogolaaday inuu cafiyo ama sanadaha xukunka kasoo gaabiyo 1,542 qof oo la xukumay”, munaasabba Ciidul Fitiga, taas oo gababo u ah bisha barakaysan, sida fariinta lagu yiri.

Hogmaaiyaha Sare ayaa si joogta ah u bixiya cafis wadareed, xilliyada fasaxyada diinta, isaga oo ay ka wada shaqeeyaan madaxa caddaaladda ee dalka.

Dalka Iran, maalinta Isniinta berri ah ayaa ciidda loo dabbaal-degayaa.