Muqdisho-KNN-kooxda Talibana ayaa weerar ay ku qaadeen waqooyiga Afghanistan waxaa ku dhintay ugu yaraan 15 askari sida ay sheegeen masuuliyiinta.
Weerarka ayaa si gaar ah kaga dhacay degmada Ali Abad ee waqooyiga gobolka Kunduz.
Weerarka ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay labo askari oo kale sida uu sheegay Ghulam Rabani, oo ah xubin katirsan golaha gobolka.
Afhayeenka kooxda Taliban Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in iyagu ay leeyihiin masuuliyada weerarka ay askarta badan kaga dhinteen dowladda Afghanistan.
Kooxda ayaa ku xoogan gobolkan uu weerarka ka dhacay ee Kunduz iyagoona maamula deegaano badan oo gobolka hoostaga.
Tan iyo markii ay bur bureen wadahadaladii u socday kooxda Taliban iyo dowladda Mareykanka ayaa kooxda waxa ay sara u qaaday weerarada ay ka geesanayaan gudaha dalka Afghnaistan.


