Somali News

In ka badan 20 ruux oo ku geeriyooday Keymaha Greece-ga oo gubanaya

Muqdisho-KNN-Keymaha Wadanka Greece-ka ayaa waxaa ka huraya xilligan Dab baaxaddiisu weyntahay oo ilaa iyo hadda ay maaro u la’adahay Dowladda Greece-ka.

In ka badan 20 qof ayaa Geeriyooday sida ay sheegay dadka ku mashquulsan daminta dabkan, dadkan ayaan intooda badan waxa ay ahaayeen dadka ilaalinayay keeyntaa iyo kuwa Tamashle Hoowdka u aadan oo dabku uu qabsaday.

Boqolaal qof oo ku shaqa leh dab daminta iyo Qalab aan tiro yareen ayay Dowladdu geeysay Keeymaha, waxa ayna umuuqataa in dabka ay umaara la;ayihiin madaama uu Xoowli ku socda.

Halka ay Keymahani ka Gubanayaan ayaa Caasimadda Athens waxa ay ujirtaa 40km uun Waqooyi bari ayayna kasoo kulaaleeysaa.

Dhaawaca ayaa kor udhaafay 100 qof Dowladda Greece-gana waxa ay dalbanaysaaa Caawimaad Caalami ah.