Somali News

In ka badan 300 oo ruux oo la dilay dalka Afgaanistaan

Kabul-KNN-Weerar ay Taliban ku qaadeen magaalada istaaraatiijiga ah ee Ghazni ee dalka Afgaanistan galayna maalintii 5 aad, ayaa waxaa ku geeriyooday dad kor u dhaafaya 300 oo ruux, kuwaasoo isugu jira dad rayada, xoogagga amaanka iyo dagalamayaal taalibaan ah,  sida ay sheegeen saraakiil dowladda ka tirsan.

Wasiirka difaaca Tariq Shah Bahrami ayaa yiri “intuu weerarku socday waxaa la dilay 100 kamida ciidamada amaanka iyo dad rayada oo aay tiradoodu dhaxeyso 20 – 30 ruux.”

Mr. Bahrami oo ka hadlayay shir-jaraa’id gudaha caasimadda Kabul ayaa hadalkiisa raaciyay “ 194 taalibaaniyiin ah oo ay ku jiraan 12 hor joogayaal ah ayaa la dilay.”

“Gudaha magaalada Ghazni dhismayaal ayaa ololaya, meel walbana waxaa tuban meydad, dagaalkuna wuu socdaa. Xaaladduna wey xuntahay iyadoo meharaduhuna xiranyihiin,” waxaa sidaa yiri goobjooge ku sugan magaalada.

Weerarka ayaa dharbaaxo culus uga dhigan madaxweyne Ashraf Ghani waxayna wiiqday rajadii aheyd in wada hadallo nabadeed lala yeesho Taaliban, si loo soo af jaro dagaalka 17 jirsaday ee ka socda dalka Afgaanistaan.