Somali News

In la kala diro Booliska Minneapolis oo loo codeeyay si loo xaliyo hal arrin

Washington-KNN-Inta badan xubnaha golaha degaanka magaalada Minneapolis ayaa isku raacay in la kala diro waaxda booliska magaaladaas, si loo dejiyo dadka dibadbaxyada rabshadaha wata dhigaya.

Kulan ay iskugu yimaadeen xubnaha golaha magaalada ayaa cod loo qaaday waxaa ogolaatay in booliska magaalada la kala diro 9 xubnood, kadib markii ay codeeyeen 13 xubnood.

Golahaan ayaa sidoo kale isku raacay inay la sameeyo hab kale oo amniga lagu sugayo marka booliska la kala diro.

Booliska magaalada Minneapolis qaarkood waa kuwii dilay ninkii madowga ahaa ee ayba ka bilowdeen rabsadaha hadda ka socda Mareykanka maalinkii 13-aad.