Somali News

Indonesia oo baarayaal u dirtay goobta ay ku dhacday diyaarad dalkaas laga leeyahay

Jakarta-KNN- Xukuumadda Indonesia ayaa sheegtay inay kooxaha gurmadka u dirtay goobta ay ku bur burtay diyaarad shalay xiriirkeeda la waayay oo dalkaas laga leeyahay.

Mas’uuliyiinta dawladu waxay sheegeen inay si rasmi u heleen goobta ay ku dhacday diyaaradda nooceedu yahay Boin 737 oo ay la soceen 62 ruux oo shaqaale iyo rakaab iskugu jira.

Mas’uuliyiinta gurmadka Indonesia ayaa sheegay inay goobta u direen illaa 10 markab oo ay la socdaan kooxaha gurmadka si usoo helaan ugu yaraan raqda dadkii diyaaradda la socday iyo qeybta sanduuqa madow loo yaqaan ee diyaarada ku xiran si loo ogaado waxa ay sababsatay.

Afhayeen u hadlay booliska magaalada Jakarta Yusri Yoonis ayaa sheegay in kooxaha ay heleen boorsooyin badda dul sabaynaya kuwaasoo loo malaynayo inay diyaaradda saarnaayeen.

Diyaaradaan oo gudaha dalkaas laga leeyahay ayaa xiriirkeeda la waayay mar ay 4 daqiiqo uun ay hawada ku jirtay.