Somali News

Indonesia oo weli ku dadaaleysa daminta dabka gubaya Kaymaha wadankaas

Muqdisho-KNN-Indonesia ayaa dagaal adag kula jirta dab sababay qiic sun ah oo ka holcaya kaymaha dalka iyadoo ay kooxaha dab damisku adeegsanayaan diyaarado cirka sare biyo kuga shubaya meelaha gubanaya.

Madaxweyne joko Widodo booqday dhulka gubanaya ayaa sheegay sheegay Dowladiisu ay samaynayso wax walba si ay usoo afjarto musiibadda dabka.

Dabka oo gubaya dhul duur ah ee ku yaala Jasiiradaha Sumatra iyo  Borneo ayaa qiic sun ah gaarsiiyay wadamadda deriska ah ee Malaysia iyo Singapore.

Madaxweyne Wadodo aya sheegay in 6,000 oo askari lagu biiriyay kooxaha dab damiska islamarkaana la rajaynayo intaasi ay wax badan ku kordhiso dadaaladda ladoonayo in dabka lagu damiyo.

“waxaan sameynay dadaal kasta” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Dabka ayaa waayihii dambe dalka Indonesia u noqday musiibo sanadle ah, sababta ayaanse weli si rasmi ah loo cadeyn, waxa jira kubaro ku dooneeysa in kulayluhu ay dabka sabab u yihiin halka ay kuwo kalena ku doonayaan in ay jirto sabab aadane.