Somali News

Ingiriiska oo ku dhawaaqday qorsheyaal si degdeg ah dib u dejin loogu sameynayo boqollaal qof oo u dhashay Afghanistan

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal si degdeg ah dib u dejin loogu sameynayo boqollaal qof oo Afghanistan u dhashay, kuwaas oo la soo shaqeeyay militariga Britain iyo dowladdooda, badankoodna waxay ahaayeen tarjumaanno.

In ka badan 3,000 oo Afghanistan u dhashay iyo qoysaskooda ayaa la filayaa in loo oggolaado in ay ku noolaadaan UK, iyadoo ay hore dalkaasi u joogeen illaa 1,300 oo kale.

Go’aankan ayaa imaanaya xilli loo baqayo ammaankooda maaddaama ciidamada caalamiga ah ay isku diyaarinayaan in ay isaa baxaan dalkaas.

Xoghayaha Difaaca UK, Ben Wallace, ayaa sheegay inay “sax tahay” in la dedejiyo qorshooyiinka.

Wuxuu intaas ku daray in dadka dib u dejinta loo sameynayo ay yihiin kuwa khatarta kala kulmaya kooxda.

Arrinta ayaa ahayd walaac taagan, tan iyo markii ciidamada Britain ay soo afjareen howlgallo ay ka wadeen gobolka Helmand, sannadkii 2014.

Markii hore waxaa adkaa shuruudaha lagu xiray cidda codsan karta in ay nolol cusub ka bilowdo UK. Tusaale ahaan, waxaa muhiimadda la siinayay turjumaannada muddo ka badan sanad la soo shaqeeyay ciidamada Britain ee safka hore ee gobolka Helmand.

Balse sida ay qabto siyaasadda dowladda cusub, shaqaale walba oo hadda la shaqeeya amaba hore ula shaqeyn jiray ciidamada Britain, isla markaana ay noloshooda khatar amni ku jirto, ayaa loo oggolaan doonaa inay degaan UK.