Somali News

Ingiriiska oo Saldhig ka furanaya deegaanada Soomaaliland.

Muqdisho-KNN-Dowladda Ingiriiska ayaa waxaa ay ku biirtay Dowladaha Ruuska iyo Imaaraadka Carabta si ay Saldhig military uga hesho Soomaaliland, sida uu daabacay Wargeyskla Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya.

Xoghayaha gaashaandhigga UK  Gavin Williamson ayaa Isniintii waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi kadib Booqasho uu ku tagay Magaaladda Hargeeysa waxayna labada masuul ka wada hadleen xoojinta xiriirkooda.

Soomaaliland oo ah qaybtii Soomaaliya ee uu Ingiriiku gumeeysanayay ayaa hadda waxaa ay raadineeysaa Aqoonsi caalami ah si ay unoqoto Dal ka madax bananan Soomaaliya inteeda kale, Dowlado badan ayaana dadaal ugu jira in ay saldhig military ka helaan Soomaaliland.

Xafiiska Soomaaliland ay ku leedahay magaaladda Nairobi ayaan xaqiijin, in Ingriisku uu Soomaaliland ka raadinayo Saldhig military. Hase ahaatee madaxa Xafiiska Cumar Baashe ayaa waxaa uu sheegay in Somalialnd ay u riyaaqday booqashadda Williamson waxaana uuna hadalkiisa ku daray in uu ka caawin doono helista aqoonsi caalami ah.

Booqashadda Xoghayaha Ingiriisku uu ku tagay Soomaaliland ayaa timid maalmo kadib markii uu Xoghayahu sheegay in Dowladda ingiriisku ay saldhigo military dunida ka raadineeyso marka ay isaga baxdo Midowga Europe.

Bishii April ee Sanadkii hore ayaa Dowladda Ruushku waxay ku dhawaaqday in ay Saldhig military ka sameysaneeyso magaalo xeebeedka Seylac, Soomaaliland.

Imaaraadka carabta ayaa Sanadkii hore waxaa Magaaladda Berbera ka sameeystay Saldhig military, kaasi oo aysan soo dhaweeyn Dowladda Soomaaliya.