Somali News

Injineero u dhashay Turkiga oo lagu qarxiyay duleedka Muqdisho

Muqdisho-KNN-Qarax miino ayaa maanta barqadii waxaa uu ka dhacay deegaanka Garas-baaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa waxaa uu si gaar ah kaga dhacay agagaarka Jaamacadda Shabeelle oo u dhow deegaanka Garas-baaley ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in qarax lala eegtay Injineero ka mid ah kuwa dhismaha ka wada wadada xiriirisa magalooyinka Muqdisho iyo Afgooye. waxaana  la sheegay in khasaro uu ka dhashay qaraxaasi.

Gaariga qaraxa miino haleelay ayaa waxaa uu ahaa  HILUX, waxaana la sheegay inay wateen injineerada dhisaya wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye,kuwaas oo u dhashay dalka turkiga.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in mid  kamid ah Injineerada Turkiga iyo laba ka mid ah Askarta ilaalada u  ah ay ku dhaawameen qaraxaasi, inkastoo faahfaahin intaasi dheer laga helin.