Somali News

Inkabadan 160 Qof oo Qaxooti Yemeniyiin ah oo gaaray degaanada Somaliland .


Muqdisho-KNN
-Saraakiisha Soomaaliland ayaa sheegay in toboneeyo qaxooti Yemeniyiin ah ay ka degeen dekada Magaalada Barbara maalintii Talaadada ahayd.


Soomaaliland waxa ay shaaca ka qaaday in dadkaasi ay yihii qoysas ksoo cararay Colaada Yemen.

Dadkaan ayaa tiradoodi lagu sheegay 166 oo Haween iyo Caruur u badan.

Tirada intaan la eg waxaa ka horeeyay toboneeyo kale oo Yemeniyiin ah oo gaaray magaala xeebedka Boosaso halkasi oo Maamulka Puntland ay kusoo dhoweyeen, waana magaalada ugu badan oo Jaaliyd Yemeniyiin ah ay joogaan kuwaasi oo colaada Yemen ksoo cararay.