Somali News

Inkabadan 200 oo Muhaajiriin ah oo laga soo badbaadiyay badda Mediterranean’ka

Muqdisho-KNN-Ciidamada badda ee Malta ayaa sheegay in ay badda Mediterranean’ka ay kasoo badbaadiyeen muhaajiriin tiro ahaan gaaraya 216.

Afhayeenka Ciidamada badda ee Malta ayaa sheegay in muhaajiriintan oo ay arkeen doomaha roondada ee Malta xilli ay ku sugnaayeen xaalad halis ah koonfurta dalka Malta. 

Ugu yaraan haween uur leh iyo dhawr caruur ah ayaa larumeesan yahay in ay qayb kayihiin muhaarijiinta lasoo badbaadiyay kuwaas oo aanan illaa iyo haatan lashaacinan dalalka ay kasoo kala jeedaan.

Cimilada oo wanaagsan ayaa sababay in ay bataaan muhaajiriin kasoo gudbaya badda Libya, Tunisia, iyo Algeria sida ay ciidamadu sheegayaan iyadoona labadii maalin ay udanbeesay jasiirado ay kamid tahay Lampedusa ay soo gaareen illaa iyo 12 doomood oo sida muhaajiriin.

Hay’ada QM u qaabilsan mujaajiriinta ayaa ku waramaysa in sanadkan oo qura muhaajiriin gaaraya 24,687 muhaajiriin ah ay gaareen dalalka Yurub taas oo aad uga yar markii loo eego sanadihii aynu kasoo gudubnay.