Uncategorized

Inkabadan Lixdan xildhibaan oo abtirkooda ku daray madaxweyne hore ee Brazil oo xiran

Muqdisho-KNN-In kabadan lixdan xildhibaan oo reer Brazil ah oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa si rasmi ah abtirkooda u badalay.

Abtirkooda ayay ku dareen “Lula” ka dib markii toddobaadkii hore la xiray madaxweynihii hore ee Brazil Luiz Inácio Lula da Silva.

Arrintaas lagu sharfayo madaxweynihii hore waxaa horkacaysa madaxa xisbiga shaqaalaha Gleisi Hoffmann.

Magaceeda rasmiga ah ee ay xitaa aqalka sharci dajinta ku adeegsan doonto waa Gleisi Lula Hoffmann.

Sidoo kale waxay magacaas u gudbisay gudiga doorashooyinka.

Hogaamiyaha aqalka hoose ee baarlamaanka Brazil ayaa isna arrintaas ku raacay wuxuuna magaciisa ku badalay Paulo Lula Pimenta.

Xildhibaannadii kale ee xisbiga ayaana ku go’aanka ay qaateen ku waafaqay oo abtirkooda badalay.

Balse qaar ka mid ah xildhibaannada Garabka Midig ayaa tallaabo arrintaas lidi ku ah sameeyay iyaga oo go’aansaday in ay abtirkooda ku daraan qareenkii madaxweynaha hore xukumay oo lagu magacaabo Sérgio Moro.

Madaxweynihii hore Brazil Lula ayaa Sabtidii billaabay xabsi 12 sano ah oo uu ku mutaystay musuqmaasuq.

Xigasho BCC.