Somali News

Inkbadan 60 ruux oo ku geeriyootay badda Mediterranean’ka

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 65 ruux ayaa dhimatay kadib markii ay ladagtay dooni ay saarnaayeen oo mareysay badda Mediterranean’ka gaar ahaan meel u dhaw xeebta dalka Tunisia.

16 ruux ayaa lasoo badbaadiyay sida ay sheegtay hay’adda qaramada midoobe u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR.

Dadka lasoo badbaadiyay ayaa lagu wareejiyay ciidamada badda ee dalka Tunisia iyadoona dadkaasi qaarkood haatan lagula tacaalayo isbitaal ku yaalo gudaha Tunisa.

Kumanaan muhaajiriin ah ayaa sanad walba isku dayo in ay dhaafaan badda Mediterranean’ka  si ay ugaaraan dalalka Yurub.

Ku dhawaad 164 ruux ayaa ku dhimatay inta u dhaxeysa Libya iyo dalalka Yurub afartii bil ee ugu horeesay sanadkan 2019.