Somali News

Inta badan goobaha ganacsiga Gurceel oo maanta xiran

Gurceel-KNN-Wararka aan ka heleyno degmada Gurceel ee gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in maanta albaabada loo laabay inta badan goobihii ganacsiga magaalada.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Gurceel ayaa KNN u sheegay in sababta ay u xireen goobahooda ganacsi ay tahay koror ku yimid badeecada, si gaar ah qiimaha raashinka oo sare u kacay maalmihii dambe.

Waxaa kaloo arrintan sabab u ah canshuur dheraad ah oo lagu kordhiyey gaadiidkii raashin ka keeni jiray dekedda magaalada Bosaaso ee gobolka Beri, sida ay noo sheegeen ganacsatadu.

Sidoo kale gaadiidkii ugu badnaa ayaa ku xayiran magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxayna gaadiidleydu ka gadoodeen canshuur kordhin uu ku sameeyey maamulka Galmudug.