Somali News

Inta badan hoggaamiyeyaasha Soomaaliya oo isugu tegay Afisyooni

Muqdisho-KNN-Madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa goordhaw gaaray teendhada Afisyooni oo lagu wado in maanta uu shir hor dhac ah uga furmo madaxda Soomaaliya iyo wakiillada beesha caalamka.

Sidoo kale waxaa goobta lagu qabanayo shirkaas gaaray madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Galmudug, HirShabeelle, K/Galbeed iyo duqa Muqdisho Cumar Filish.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaan weli gaarin hoolka uu shirku ka dhacayo, sida ay noo xaqiijiyeen ilo ku dhaw shirka.

Qaban-qaabada shirkan waxaa iska leh xubnaha beesha caalamka, waxayna madaxdu maanta ka wadahadlayaan ajendaha shirka guud ee xalka kama dambeysta ah looga gaarayo khilaafka doorashada.

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in shirkaas uu ka furmo teendhada Afisyoone, waxaana goobta gaaray dhamaan madaxda Soomaalida, markii laga reebo Axmed Madoobe oo aan weli tegin halkaas, balse imaan doona sida ilo ku dhaw shirka ay noo xaqiijiyeen.