Somali News

Inta badan magaalooyinka Maraykanka oo bandow lagu soo rogay

Muqdisho-KNN- Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa amray in magaalooyinka rabshaduhu ka socdaan ee dalkiisa bandaw laga dhigo si xasiloonida loo soo celiyo.

Banaanbaxyada rabshadaha wata ee Maraykanka ka socda oo markii hore ku bilowday si nabad ah ayaa markii dambe qalalaaso isku badalay.

Dadka dibad baxaya ayaa carooday fal uu askari ka tirsanaa booliska ku dilay nin madow ahaa asagoo qoorta jilibka kaga haya.

Madaxweyne Trump waxaa uu amray ciidamada amaanka inay xaaladda magaalooyinka ay xasiloonida kusoo celiyaan bandawna ka dhigaan magaalooyinka rabshaduhu ka socdaan oo ay ka mid yihiin New York Miniyabulis, Atlanta Los Anjalis iyo magaalooyin kale.

Masuuliyiinta magaalooyinka la amray in badow la galiyo ayaa sheegay in bandwgu bilaabanayo fiidkii aroortii horena ku egyahay.