Sports

Inter Milan oo kusoo biirtay kooxaha danenaya Gareth Bale.

Muqdisho-KNN-Inter Milan ayaa noqotay kooxdii ugu dambeysay ee lala xiriiriyo xiddiga Real Madrid iyo xulka Wales Gareth Bale.

Weeraryahankii hore ee Tottenham Hotspur ayaa inta badan loo isticmaalay xagagan korsiga keedka, taasoo keentay in laga hadlo mustaqbalkiisa Real Madrid.

Sida laga soo xigtay The Independent, kooxda Serie A ayaa diyaar u ah inay dalab u dirto haddii Real ay go’aansato inay iska iibiso Bale xagaagan.

Bale ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa Manchester United xilli ciyaareedka danbe, laakiin wargeyska ayaa soo jeedinaya in Red Devils ay qaboojiyeen xiisahooda.

Warar xan ah oo u dhaxeeya wiilka Wales iyo tababarahisa Zinedine Zidane ayaa isbuucaan waxa uu dhaawacmay kulankii Real 3-1 ay kaga badiyeen Juventus lugta labaad ee wareega 8da Champions League sababo la xiriira xidigan oo badal lagu seeray aybtii labaad.

Sikastaba Bale xagaaga danbe halkuu kasoo muuqan doonaa waa su’aal la is waydiinayo.