Somali News

IOM oo dalbatay in ka badan 60 Milyan oo wax looga qabanayo abaarta ka jirta Somalia

Hay’adda Socdaalka Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IOM ayaa dalbatay lacag gaareysa 66 milyan oo doollar, taas oo lagu caawinayo in ka badan 1.25 milyan oo soomaali ah kuwaasi oo u baahan gargaar bani’aadanimo.

Hay’adda ayaa sheegtay in deg deg loogu baahan yahay dhaqaalahan si loo sii wado barnaamijyada gargaarka ah ee lagu caawinayo dadka ay saameysay abaaraha ka jira gudaha dalka Soonaaliya.

Qoraal Kooban oo kasoo baxay Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa waxaa lagu yiri “ka jawaabista Hay’adda Socdaalka Adduunka iyo saaxibadeeda bahwadaagta waa ka hortaga in ay kasii darto xaaladda, hasa ahaatee waxaa loo baahanyahay kordhinta dhaqaalaha wax looga qabanayo dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha taasi oo u muuqata mid kasii dareysa xaaladeeda”.

Xafiiska isku xirka Qaramada Midoobay ee arrimaha gargaarka bani’aadannimada u qaabilsan soomaaliya ee magacooda loo soo gaabiyo OCHA ayaa xaqiijiyay jimcihii in ay heleen lacag gaareysa 260 milyan oo doollar taasi oo lagu talagalay in looga jawaabo dhibaatooyinka ka dhashay abaaraha ka jira Soomaaliya, waxaana lacagtaan gargaar bani,aadannimo loogu sameynaa 2.8 milyan oo qofood kuwaasi oo ay saameeyn ku yeelatay abaarta ka jirta Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ku dhawaad 800,000 oo qofood ayaa kasoo barakacay abaaraha ka jira gobollada Soomaaliya tan iyo horaantii sanadkii 2021, ugu yaraan kalabar dadkaan soo barakacay waxey soo barakaceen 4-tii bil ee ugu horreysay sanadka caruur iyo haween ayaa ahaa boqolkiiba 80% dadka ugu dambeeyay ee kasoo barakacay abaarta ka jirta Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’dda Socdaalka Adduunka ee IOM.