Somali News

IOM oo sheegtay Somalidii ugu badneyd 2020 ay tahriib ku galeen Dalka Yeman

Hay’adda Socdaalka Caalamiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaan IOM ayaa sheegtay in in kabadan 37k oo muhaajirin African ah ay tageen dalka Yemen sanadkii lasoo dhaafay ee 2020.

Warbixinteedi sanadla ah oo ay soo saartay waxa ay ku sheegtay IOM in Dadka ugu badan ee gaaray Yemen ay ka tageen wadamada Somalia iyo Ethiopia, boqolkiiba 93 dadkaasi waxa ay ka tageen Ethiopia halka %7 ay yihiin Soomaali.

Dadkaasi Soomaalida ayaa warbixinta lagu sheegay in ay badan koodi doonayaan inay u tahriibaan dalka Sacuudiga halka kuwa kalana ay qorsheenayaan in ay sii deganaadan dalka Yemen.

Yemen waa marinka ay Soomaalida u maraan galitaanka Scuudiga iyo dowladaha Khaliijka.