Somali News

Iran oo beenisay in gantaal uu soo riday diyaaraddii Ukraine

Madaxa hay’adda duulista rayidka ee Iran ayaa maanta beeniyey in gantaal uu soo riday diyaaraddii Ukraine ee dalkaas ku dhacday, taasi oo ay ku dhinteen dhammaan 176-kii qof ee saarnaa.

Hadalka kasoo baxay Ali Abedzadeh ayaa yimid maalin kadib markii Canada iyo Britain ay tilmaameen inay jiraan astaamo muujinaya in diyaaraddaas lagu soo riday gantaal si aan ku talo-gal ahayn loogu tuuray.

“Hal mid waa hubaal. Diyaaraddan soo ma ridin gantaal,” ayuu yiri Ali Abedzadeh oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Tehran.

Diyaaraddan, oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa dhacday, Arbacadii waxyar un kadib markii Iran ay gantaallo ku weerartay saldhigyada ciidamada Mareykanka ee Iraq, ayada oo uga aargudaneysa dilka Jeneral Qasem Soleimani.