Somali News

Iran oo duqeysay saldhigyo uu Mareykanka ku leeyahay Ciraaq

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan labo xarumood oo ay ciidamada Mareykanka ay ku leeyihiin gudaha dalka Ciraaq, ayaa lagu weeraray in kabdan 10 gantaal, sida laga soo xigtay Waaxda Difaaca ee dowladda Mareykanka.

Talafasginka qaranka ee Iran ayaa sheegay in weerarka uu dabo socdo aargoosi loo sameenayo General Qaasim Suleemaani oo jimcihii Mareykanku ay ku dileen magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Wali macado qasaaraha ka dhashay xarumaha laweeraray ee Irbil iyo Al-Asad.

Afhayeenka aqalka cad ayaa sheegay in ay ka warqabaan wararka laxariira weerarka ayna war dhameestiran kasoo saari doonaan.

Wasiirka arimaha dibada ee Iran ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twiter’ka ku sheegay in weerarka uu yahay mid isdifaacid ah, balse uusan ahayn mid ay xiisada sara ugu sii qaadayaan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmay wax yar uun kadib markii la’aasay Generaal Qaasim Suleemaani. Iyadoona laga dhawr sugayo nuuca jawaab oo ay bixiso dowladda Mareykanka oo goor sii horeesay ku hanjabtay in ay ka jawaabi doonaan aargoosi walba oo loo sameeyo General Suleemaani.