Muqdisho-KNN-Afhayeenka wasaarada arimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in ay kawaab adag ka bixin doonaan cabsi galin walba oo kaga timaada dhanka Mareykanka.
Hadalka Afhayeenka ayaa jawaab u noqonaya kadib markii uu madaxwayne Donald Trump uu ku han jabay in Iran ay burburin doonaan haddii ay xiisada sii kordhiso.
“Ma ogolaan doono qalalaaso walba oo ka dhan ah xuduudaheena, Iran waxa ay ka jawaabaysaa gardaro walba oo kaga yimaada dhankaa iyo Mareykanka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay afhayeenka wasaarada arimaha dibada ee Iran Abbas Mousavi .
Xiisada u dhaxeysa Tehran iyo Washingtong ayaa meel adag gaartay kadib markii Iran ay khamiistii soo riday mid kamid ah diyaaradaha wax u basaasa dowlada Mareykanka.
Tehran ayaa sheegtay in diyaaradaasi oo ahayd nuuca drone’ka ay kusoo xad gudubtay dhulkeeda halka Mareykankana uu ku adkeestay in ay dul mareesay hawada caalamiga ah.
Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay Jimcihii in uu ka laabtay amar ahaa in laduqeeyo Fariisimo ay Iran kuleedahay agagaarka marinka Hormuz.