Muqdisho-KNN-Iran ayaa laguwadaa in maanta oo Isniin ah ay ku dhawaaqdo talaabooyinka xiga oo ay qaadayso kadib iskaga bixitaanka heshiiskii Niyukleerka.
Heshiiska xakamaynta hubka Niyukleerka oo ay sanadkii 2015’kii Iran lagashay quwadaha caalamka ayay sheegtay in ay hakinayso kadib markii sanad kadib heshiiskaasi uu iskaga baxay Mareykanka.
Madaxwaynaha dalka Iran Hassan Rouhani ayaa u qabtay mudo 60 maalin ah 8’dii bishii May dalalka qaybta ka’ah heshiiskaas sida, Britain, Faransiiska, Jarmalka, Shiinaha iyo Ruushka.
Rouhani, ayaa waqtigaasi sheegay in wadamaasi looga baahanyahay in ay ka dhabeeyaan balan qaadkoodi ahaa in ay wax kaqabanayaan cunaqabateenta Mareykanku uu saaray Shidaalka Iran.
Go’aanka ay maanta Iran ku dhawaaqayso ayaa imaanaya xilli ay sara usii kacayso xiisada kala dhaxayso dowlada Mareykanka.