Somali News

Iran oo ku goodisay in ay Jawaab adag ka bixineyso markab looga gubay biyaha Sucuudiga.

Afhayeen u hadlay dowladda Iran ayaa sheegay “weerarka fuleynimada” ee lagu qaaday markab saliidda qaada oo ay Tehran leedahay loo adeegsaday gantaal, Iran ay jawaab kulul ka bixin doonto.

Wakaaladda wararka ee Iran IRNA oo soo xigatay afhayeenka xukumadda Tehran Cali Rabiic ayaa sheegtay Markabka weerarka loo geystay ee Sabit inuu marayey Jimcihi biyaha dalka Sacuudi Carabiya.

Wixii ka dambeeyay bishi May ee sanadkan waxaa gobolka ka dhacayey weerarro loo geysanayey maraakiibta saliidda qaadda oo ay leeyihiin waddama kala duwan.

Iran waxa kale oo ay sheegtay iney baaritaanka ay ku waddo weerarkaasi uu gabagabo marayo natiijada ka soo baxda iyada oo ka duuleysana ciddi weerarkaasi ka dambeysay ay jawaab waafi ah siin doonto.

Sargaal sare oo ka tirsan laamaha amniga Iran wuxuu sheegay iney hayaan muuqaal muujinaya weerarkaasi sida uu u dhacay iyada oo muuqaalka lagu arkayo laba gantaal oo markabka lala beegsaday.