Somali News

Iran oo ku goodisay inay u aari doonto khabiirkoodii Niyukleerka oo la dilay

Iiran ayaa wacad ku martay inay ka aargoosan doonto kuwii ka dambeeyay dilkii loo geystay Seynisyahankoodii ugu sareeyay ee dhanka Niyukleerka, Mohsen Fakhrizadeh, oo shalay la dilay.

Seynisyahankani barnaamijka Niyukleerka Iiraan Mohsen Fakhrizadeh ayaa lagu khaarajiyay meel u dhaw caasiamda Tehran, waxaa sidaasi sheegay wasiirka gaashaandhiga Iran.

Fakhrizadeh ayaa dhaawac ka soo gaaray weerarkaasi ugu dhintay isbataal ku yaala magaalada Absard.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iraan Mohammad Javad Zarif, ayaa cambaareeyay dilkaasi isaga oo ku tilmaamay “ficil argagixiso”.

Saraakiil kale oo reer Iiraan ah ayaa waxay dhankooda dilkiisa ku eedeeyeen inay masuul ka tahay Israa’iil oo ay ka dambeyso.

Waxay ku hanjabeen saraakiishani inay u aargudi doonaan Seynisyahankan shalay lagu dilay meel u dhaw magaalada Tehran ee caasimada iiraan.

Israa’iil wali kama aysan jawaabin eedeeynta loo soo jeedayay, balse waxay horey Israa’iil u sheegtay in Mr Fakhrizadeh uu yahay maskaxda ka dambeysa barnaamijka qarsoodiga ah ee Niyukleerka Iraan.

Hay’adaha sirdoonka reer Galbeedka ayaa rumeysan in Fakhrizadeh uu ahaa shaqsiga ka dambeeyay barnaamijka qarsoodiga ah ee Niyukleerka Iiraan.

Dowladda Iiraan ayaa falka lagu diley Seynisyahankeeda ku tilmaamtay mid jabaneya shuruucda caalamiga ah, islamarkana mudan in la cambaareeyo.