Somali News

Iran oo la sheegay in ay ka been sheegtay tirada dadka xanuunka Covid 19 ugu dhintay dalkeeda.

Muqdisho-KNN-Tirada dadka xanuunka Corona ugu dhintay wadanka Iran ayaa la’ogaaday in ay aad uga badantahay tan ay soo bandhigtay dowladda sida ku xusan baaritaan ay sameysay BBC’da.

Wasaaradda Caafimaadka ee Iran ayaa warisay in Fayriska ay u dhinteen 14,405 ruux, balse baaritaankan ayaa muujiyay in tiradu ay ka badan tahay 42,000 illaa 20’kii bishii July.

Sidoo kale waxaa laba jibaarantay tirada kiisaska xanuunka ay dowladda soo bandhigtay iyo inta lagu ogaaday baaritaanka.

Wadanka Iran ayaa kamid ah dalalkii ugu horeeyay ee uu sida daran u sameeyo Fayraska-Covid-19.