Somali News

Iran oo Markale ku Dhawaaqday Go’aan ka Dhan ah Heshiiskii Niyukleerka

Muqdisho-KNN-Iiraan ayaa ku dhawaaqday in ay jabisay qayb kamid ah heshiiskii xakamaynta hubka Niyukleerka kaas oo xadidayay sara u qaadida kiimikada Yuraaniyamka.

Ku xigeenka wasiirka arimaha dibada ee dalka Iran Abbas Araqchi oo go’aankan ku dhawaaqay ayaa sheegay in wali ay daneenayaan ilaalinta heshiiskaasa.

Balse wasiirka ayaa wadamada Yurub ku dhaliilay in ay ku fashilmeen ilaalinta go’aamadooda ku aadan heshiiskan.

Mr Araqshi ayaa sidoo kale sheegay in Iran ay bilaabi doonto sara u qaadidada Yuraaniyamkeeda 3.67% taas oo aad uga hor imaanayso heshiiskii 2015.

Sanadkii lasoo dhaafay ee 2018 ayaa Mareykanka iskaga baxay heshiiska xakamaynta Niyukleerka isagoona dib usoo celiyay cunaqabateenadii saarnaa dalka Iran.

Iran ayaa bishii May mudo 60 maalin ah u qabatay wadamada wali heshiiskan qaybta ka ah sida Shiinaha, Faransiiska, Germal’ka, Ruushka, iyo UK in ay kaga soo jawaabaan cunaqabateenta Mareykanka.

Ku dhawaaqista Iran ee go’aankan ayaa kusoo beegantay maalin kadib markii uu madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron lahadalay dhigiisa Hassan Rouhani kaas oo walaac xoogan kaga muujiyay ka bixida heshiiskan.