Somali News

Iran oo muujisay in ay jabisay Heshiiskii Nuclear-ka

Muqdisho-KNN-Dawladda Iiraan ayaa jabisay heshiiskii ay la gaartay quwadaha Caalamka sannadkii 2015, kaas xadidayay tayaynta yuuraaniyaamkeeda, sida ay xaqiijisay Hey’adda la socota arrimaha hubka wax gumaada ee IAEA.

Hay’addan Caalamiga ah ayaa sheegtay in kormeereyaal ka socda ay xaqiijiyeen in laga badiyay 300km.

Iiraan ayaa bishii May dardar galisay soo saaridda yuuraaniyaam la tayeeyay, taas oo ay u isticmaalaysay si ay uga dhigto mid laga dhaliyo tamar balse sidoo kale laga samayn karo bambooyin nukliyeer ah.

Waxay sheegtay in ay ka jawaabayso cunaqabataynada uu ku soo celiyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kaas oo isaga baxay heshiiskii lala galay Iiraan.

UK iyo Jarmalka ayaa Iiraan ugu baaqay in ay ka laabato go’aankaas, halka Maraykanku uu ka sheegay in uu sii wadi doono istaraatiijiyaddiisa “uu caddaadis aadka u badan ku saarayo” Iiraan.

Dalalka Yurub ayaa ka digay in heshiiska oo laga baxo ay cawaaqib ka dhalan doonto, heshiiskuna uu ogol yahay in dib loogu soo celiyo cunaqabataynno dhinacyo badan oo laga qaaday si Iiraanna ay ugu badalato in ay xaddido hawlaheeda nukliyeerka.