Somali News

Iran oo shaacisay tallaabada ay ugu aargudi doonto dilka Qasem Suleimani

Muqdisho-KNN-Lataliyaha arrimaha militeriga ee hoggaamiyaha Iran, Ayatollah Ali Khamenei ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishenka CNN ee dalka Mareykanka waxaa uu kaga hadlay tallaabada xigta ee laga fili karo Iran, kadib markii Mareykanka uu dilay Qasem Suleimani oo ahaa sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada ugu awoodda badan Iran.

Jeneraal Hossein Dehghan ayaa sheegay in Iran ay aargoosan doonta, ayna toos u bartilmaameedsan doonta “xarun milateri oo uu Mareykanka leeyahay”.

Lataliye sare Dehghan oo sidoo kale horay usoo noqday wasiirkii gaashaandhiga ee Iran ayaa sheegay in tallaabada xigta ay ka imaan doonta Iran, balse aysan ahayn mid laga sugi doonaa kooxaha taabacsan ee ka dagaalama gobolka.

“Waxaa laga yaabaa in la is yiraahdo tallaabada xigta waa hawgal dadban ah, waxaan leenahay Trump annaga ayaad si toos ah inoo soo weerartay, annaga ayaana tallaaba toos ah kaa qaadi doona.”

Mareykanka ayaa waxaa bariga dhexe ka jooga ciidamo aad u tira badan, kuwaas oo kala joogaa dalalka Ciraaq, Sacuudiga, Urdun, Kuwait, Qatar, Imaraatka iyo Turkiga, waxaana dalka Ciraaq oo keliya ka jooga ciidan gaaraya shan kun oo askari.