Somali News

Iran oo sheegay in aysan wadahadal laga’leenin dowladda Mareykanka.

Hogaamiyaha ruuxiga ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in aysan Iran wadahadal layeelan doonin dowladda Mareykanka inta siyaasada Washington ay tahay mid cadaadis ku hayso Tehran.

“Dhamaan masuuliyiinta Iran way aaminsan yihiin in aysan jirin qaab wadaxaajood loola furo dowladda Mareykanka” ayuu Tv’ga ka sheegay.

Khamenei ayaa sidoo kale intaasi ku daray in wadahadalku uu dhici karo haddii Washington badasho hab dhaqankeeda, dibna ugu soo laabato heshiiskii niyukleerka.

Hadalka hogaamiyaha sare ee dalka Iran ayaa kusoo beegmaya iyadoo dowladda Mareykanka ay Iran ku eedeesay weeraradii dhawaantan lagu qaaday xarumaha shidaal ee dalka Sucuudiga.

Balse Iran ayaa eedeemahaasi iska fogeesay iyadoona ku tilmaamtay mid Mareykanka oo taageero siiyo Isbahaysiga Sucuudiga ay ku qarinayaan xasuuqa ay ka geesanayaan gudaha dalka Yemen.