Somali News

Iran oo sheegtay in aysan marna isu dhiibi doonin cadowgeeda.

Muqdisho-KNN-Iran marnaba isuma dhiibi doonto cadaadiska Mareykanka kama tagi doonto hadafyadeeda xittaa haddii lasoo weerarro ayuu sheegay Madaxweyne Xasan Ruuxaani.

Maalin ka hor Taliyaha ugu sarreeya Ciidanka Iran ayaa sheegay in xiisadda u dhexeeysa Tahran iyo Washington ay tahay hadafyo isku dhacay, in Cadow laa dagaalamo iyo Khatar loo bareero ayaana ka dhalan karta jawaab ahaan, sida ay Taliyaha kasoo xigatay Wakaaladda Wararka ee Fars.

Walaaca u dhexeeya Labada Wadan ayaa kasoo daray kadib markii ay xukuumadda Washinhton qalab military u dirtay Bariga si ay u muujiso awoodda ka dhan ah waxa ay SaraakiishaMareykanku sheegay Kharta Iran. Kadib markii uu ka baxay Heshiiskii Awoodaha dunidu ay Iran la gaareen Sanadkii 2015 ayaa Trump waxaa uu soo cune qabateyntii Iran saarneyd, taasi waxay meel halis ah gaarsiisay xiisadda labada dal.