Somali News

Iran oo sheegtay in cuneqabateynta Maraykanku ay dhibaato u horseeday shacabkeeda.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa sheegay in cuneqabateynta cusub ee Maraykanku ku soo rogay Bangiga dhexe ee dalkaasi ay tahay isku day uu doonayo in uu raashinka iyo dawooyinka uga hor istaago dadka shacabka ah ee Iran.

Maraykanka ayaa Jimcihii cuneqateyn cusub ku soo rogay Bangiga dhexe ee Iran, kaasi oo uu Trump ku tilmaamay in uu yahay sanduuq qani ah oo  madax banaan, waana talaabo Iran lagu ciqaabayo kadib weerarkii lagu qaday salliidda Sucuudiga.

Iran oo beenisay in ay weeraddaa Sucuudiga ku lug leedahay ayaa Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda Maxamed Jafiid Shariif waxaa uu yiri “tani waa calaamad rajo bel ah, markii cuneqabateyn lagu soo cel-celiyo hal hey’ad, taasi waxay la micna tahay isku day ladoonayo in Iran jilbaha loogu dhigo”.

Wasiirku waxaa hadalkiisa ku daray in cuneqabateynta cusub ay dadka rayidka ah ee reer Iran u diideeyso raashinka iyo dawadda.

Xaaladda dhaqaale ee Iran ayaa ad u liidata maadaama wadanka ay saarantahay cuneqabateyn dhinacyo badan.