Somali News

Iran oo sheegtay in kawada baxayso heshiiskii xakamaynta hubka Niyukleerka

War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Iran ayay ku sheegtay in aanay hadda ka dib tixgelin doonin xayiraaddii tayeynta Uraniam-ka oo aanay xadidi doonin xaddiga ay samaysanayso iyo sidoo kale horumarinta cilmibaadhista ba.

Warkan ayaa waxa la shaaciyey shir uu golaha wasiirada ee Iran ku yeeshay xarnta Tehran ka dib.

Waxa uu ku soo beegmayaa iyada oo ay sii kululaatay xiisaddii ka dhalatay dilkii Jeneraal Qaasim Sulaymaani ee Maraykanku ku khaarajiyey Baqdaad.

Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu weerari doono xarumo badan oo dalka Iran ku yaalo haddii Iran isku daydo in ay u aargoosato hogaamiyihii laga dilay.

Waxaana xusid mudan in xalay markale gantaalo lagu weeraray safaaradda Mareykana uu ku leeyahay magaalada Baqdaad, taas uusan Mareykanku wali jawaab kabixin.