Somali News

Iran oo sii daysay lamaanayaal u dhasahay Australia oo loo haystay falal basaasnimo.

Wasiirka arimaha dibadda Australia ayaa sheegtay in lasiidaayay lamaanayaal u dhashay dalkaasi oo loo haystay falal basaasnimo oo mudo ku xirnaa dalka Iran.

Lamaanayaashan oo safar ku tagay wadamo badan waxna kusoo daabaci jiray baraha bulshada ayaa xogtooda lawayay sadax bilood kahor.

Lamaanayaasha ayaa laxiray bishii July kadib markii diyaarad daroon ah ay sawiro kaga qaadeen “goobo milatari oo aanan la’ogoleen” sida uu sheegay afhayeenka xeer beegtida Iran bishi lasoo dhaafay.

Tan iyo waqtigaasi wixii ka danbeeyay waxaa lagu hayay xabsi ku yaalo waqooyiga caasimada Tehran.

 Wasiirka arimaha dibadda Australia ayaa sheegtay in sii deenta lamaanahan ay ku timid kadib “wadahadal mira dhal ah” oo ay layeesheen dhigooda Tehran.

“Waxa ay kusoo laabanayaan Australia, iyagoona dib ula midoobaya qoysaskooda” ayay hadalkeeda sii raacisay wasiirka Marise Payne mar ay wariyaasha lahadleesay.