Somali News

Iran oo sii deenaysa shaqaalo saaran markabkii ay ka qabsatay Britain.

Muqdisho-KNN-Iran ayaa sii deen doonto shaqaalo gaaraya illaa iyo todobo xubin oo saarnaa markabkii sitay calanka dalka Britain sida laga baahiyay Tv’ga qaranka maanta oo Arbaca ah.

Afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Abbas Mousavi ayaa Tv’ga qaranka u sheegay in shaqaalahaasi ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay dalka Hindiya .

Shaqaalahan ayaa loo ogo laaday in ay kadagaan markabka iyagoona lagu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Iran iskaga tagaan.

“Wax dhibaata ah kuma qabno shaqaalahan iyo kabtankooda iyo waliba xad gudubka ay sameeyeen “ ayuu yiri Mousavi.

Ciidamada ilaalada kacaanka Iran ayaa markabkan 19’kii July ka qabtay marinka Hormuz kadib markii ay Iran ku eedeesay in biyaheeda uu kusoo xad gudbay.

Qabsashada markabkan ayayna Iran ku soo beegtay labo todobaad kadib markii ciidamada badda ee dalka Britain jasiirada Gibraltar ku qabteen markab ay leedahay.

Iyadoo Britain ay sharci daro ku tilmaamtay markabka ay Iran ka qabatay ayaa haddana lasiidaayay  bishii hore ee August markabkii Iran oo ay ciidameedu qabteen.