Dowladda Iran ayaa xabsiga dhigtay illaa iyo 100 ruux oo lasheegay in ay hogaaminayeen dibad baxyadii ugu danbeeyay ee dalkaasi ka dhacay.
Xiritaanka hogaamiyaashan ayaa lagusoo beegay kadib markii dowladda Mareykanka ay cunaqabateen saartay wasiirka isgaarsiinta ee dowladda Iran.
Hay’adda Amnesty International ayaa war bixin ay goor sii horeesay soo saartay ku sheegtay in inka badan 100 ruux in ay ku dhinteen dibad baxayada dalkaasi.
Dibad baxyaasha ayaa ka cabanayay qiimaha shidaalka oo ay dowladda Iran sara u qaaday.


