Somali News

Isbadal ballaaran oo lagu sameeyay Booliiska G/Banaadir

Muqdisho-KNN-Isbadalkii ugu baallaarnaa oo mar qura dhaca ayaa lagu sameeyay Ciidamada Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir.

Taliska Booliiska Gobalka Banaadir ayaa xilalkaan u magacaabay dhalinyaro markoodii hore katirsanaa ciidamada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo dhowr qof oo kamid ah Saraakiishii ciidamada Booliiska Soomaaliya.

In taliyaashaan cusub oo katirsanaa NISA balse markii dambe lagu biiriyay Booliiska Soomaaliya xilalkaan loo magacaabo waxaa ka shaqeeyay Saadaq Cumar Xasan oo ah taliyaha qaybta Guud ee Booliiska Gobalka Banaadir.

Maxamed Jeego oo hore u ahaa Taliye Kuxigeenkii Nabad Sugida Gobolka Banaadir, ayaa loo magacaabay Taliye Ku Xigeenka Booliska qaybta guud ee Gobolka Banaadir.

Cabdi Fitaax Mire oo ahaa Taliyihii degmada Hodan, waxaa loo magacaabay Taliyaha qeybta Waliyo Cadde ee booliska, iyadoo Kuxigeen looga dhigay  Shuceyb Abdi.

Yaasiin Nur Khayre, waxaa loo magacaabay Taliye Ku xigeenka qeybta bartamaha .

Bashiir Cabdi Siyaad, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhiga booliska  degmada Hodan.

Najiib Carab, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska degmada Boondheere.

Liibaan Shidane, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada Kaaraan.

Xuseen Cadceed oo si KMG-ah u hayay xilka Taliyaha Saldhiga Warta-Nabada tan iyo markii la dilay Taliyihii hore macalin Daahir, ayaa Caawa si rasmi ah xilkaasi loogu magacaabay.

Ismaaciil Muuse Yuusuf, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska Dharkiinley.

Axmed Taree, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada Kaxda

Axmed Khadar, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada  Xamar weyne.

Maxamed C/qaadir, waxaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga booliska  degmada  Waaberi, waxaana Kuxigeen looga dhigay gabar lagu magacaabo Taliso Abtidoon.

Magacaabista Taliyayaashan cusub, ayaa ku soo aaday Saacado kadib weerarkii Al-Shabaab ay ku galeen dhismaha Wasaaraad Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaliya, halkaas oo ay ku naf waayeen dad gaaraya 15 qof, halka ku dhowaad 20 kale ay ku dhaawacmeen.

Lama oga waxa ay magacaabistaan iyo xil ka qaadistaan ka badali karto amaanka magaalada Muqdisho oo mudooyinkii ugu dambeeyay sii xumaanayay.