Uncategorized

Isbadal caawa lagu sameeyay Ciidamada amniga ee Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Waxaa caawa isbadal lagu sameeyay Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho iyadoo dib loo furay wadooyinkii ee gobalka Banaadir.

Dhamaan Ciidaamadii NISA ee ku sugnaa Baro kontarool ee ku yaala wadada wadnaha ee magaalada Muqdisho ayaa laga qaaday waxaana lagu badalay Ciidamo kale oo Booliis ah, waxaana shacabka loo furay goobihii ay ka xirneed wadada Wadnaha.

Ciidamadii NISA ee ku sugnaa wadada wadnaha ayaa qaarkood la geeyay wadooyinka Sodonka iyo Warshadaha si loo xaqiijiyo amaanka Muqdisho.

Sidoo kale waxaa Ciidamo Nabad sugid ah la dejiyay Xaafada Haanta dheer iyo nawaaxiga saban saban ee degmada deyniile oo mudooyinkii ugu dambeeyay isku dhacyo ciidan ka jirayn.

Xaafadaas wali waxaa fariisin ku leh Ciidamo milatari ah waxaana laga cabsi qabaa in arintaasi ay xiisad kale abuurto.