Garoowe-KNN-Madaxda Maamul gobaleedyada ayaa maanta waxaa ay shaaciyeen in Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed loo doortay Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda, iyadoona Gudoomiye ku xigeen loo doortay Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Sidoo kale Golaha Iskaashiga ayaa waxaa ay sameysteen Xisbi Cusub oo ay ku mideysan yihiin Afarta Maamul gobaleed ee kala ah Puntland, Koofur galbeed, Jubbaland iyo Galmudug.
Horey ayaa waxaa hogaanka Gudoomiye u ahaa Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdi wali Maxamed Cali Gaas.


