Muqdisho-KNN-Isbataalada caasimadda Afqanistan ee Kabul ayaa la daala dhacaya sidii ay adeeg caafimaad ugu fidin lahaayeen boqolaal qof oo ku dhaawacmay qaraxii shalay.
Qaraxan ayaa la sheegay in uu ahaa kii ugu ba’naa ee dalkasi ka dhaca sanooyiinkii ugu dambeeyay.
Saraakiisha isbataalada dalkaasi ayaa sheegay in ay awoodi la’yihiin la tacaalida baaxada khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.
Ugu yaraan 95 qof ayaa ku dhimatay qaraxaasi ismiidaaminta ahaa.
Hogaamiyayaasha caalamka ayaa cambaareeyay weerarkaasi
Madaxwaynaha Mareykan Donald Trump ayaa ku baaqay in caalamka uu hal meel uga soo wada jeedsto dagaalka ka dhanka ah kooxda Daliban.
Dowladda Afghanistan ayaa ku eedeeysay dalka ay dariska yihiin ee Pakistan in ay taageero siiyaan mintidiintii gaystay weerar ka dhacay magaalada Kabul.
Kooxda Daliban ayaa sheegatay masuuliyada weerarka shalay ak dhacay caasimadda Afqanistaan ee kabul.