Somali News

Isbedel weyn oo lagu sameeyay hugaanka sare ee xisbiga Wadajir

Nairobi-KNN-Kulan magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu ku yeeshay hugaanka sare ee Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadda ee dalka ka jira ayaa dib u balaarin ku sameeyay  xubnaha Xisbiga.

Xubnaha cusub ee ku soo biiray Xisbiga ayaa waxaa isugu jiraan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka hada jira, Xildhibaano hore iyo xubno dhalinyaro ah.

Kamaal Daahir Gutaale oo ahaa Guddoomiyihii Xisbiga Wadajir ayaa xilka laga qaaday, iyadoona  Guddoomiye loo magacaabay Saciid Cabdi Muuse Baalle, halka Guddoomiye kuxigeenka Xisbigana loo magacaabay Sayid Cali Macalin Cabdulle oo horay u ahaa Xoghayaha Guud Xisbiga.

Wasiir hore C/fataax Ibraahim Geesey hadana ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ayaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee Xisbiga, halka Cabdi wali Ibraahim Garyare loo magacaabay Kuxigeenka Xoghayaha Guud.

Isbedelkaan lagu sameeyay hugaanka Xisbiga WadaJir ayaa u muuqda mid ka duwan hanaankii uu horay u dhisnaa Xisbiga oo hugaankiisu Sedax xubnood oo kaliya ku koobnaa.