Somali News

Isbitaallada Mekelle oo ay dawadu gabaabsi ku tahay

Isbitaalka weyn ee caasimadda gobolka Tigray ee dalka Itoobiya waxaa gabaabsi ku ah dawada, xilli lagu dabiibayo dadkii ku soo dhaawacmay dagaalka magaalada ka socda, sida ay sheegtay hay`adda Laanqeyrta Cas.

Sabtidii, Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in ciidamada federaalka ay la wareegeen magaalada.

Wuxuu ku tilmaamay inuu yahay “wejigii ugu dambeeyay” ee dagaal socday muddo saddex toddobaad ah oo ay ciidamada federaalka la galeen kuwa gobolka Tigray.

Balse hoggaamiyaha TPLF ayaa wacad ku maray inay dagaallami doonaan, sida laga xigtay wakaaladda wararka Reuters.

Faahfaahin yar ayaa ka soo baxaysay Tigray intii uu socday dagaalka iyadoo la jaray isgaarsiinta.