Uncategorized

Isbuuca bandhiga Hidaha iyo Dhaqanka Ardayda Soomaliyeed oo Pakistan ka furmay +SAWIRO.

 

Islamabad-KNN-Waxaa galinkii hore lagu qabtay Fagaaraha weyn ee Jaamacada Islaamic International University Islamabad (IIU) Xaflad lagu daah furayay Isbuuca bandhiga Hidaha iyo Dhaqanka ee dhamaan Aradayada waxka barata Jaamacadda oo ka kala socday in ka badan 50-Dal.

Xafladaani waxaa ka sow qeyb galay Safiiro ka badan 20- Safiir oo lagu casuumay munaasabadda daah furka Isbuuca bandhiga Hidaha iyo Dhaqanka Ardayda wax ku barato (IIU).

Safiirada ka sow qeyb galay waxaa ka mid ah Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliyeed ee dalka Pakistan Marwo Khadiija Maxamed AlMakhsuumi, Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Mr Nuur Xirse oo bowqashu ku jowgay Dalka Pakistan & Mas’uuliyiin kale oo ka socday Safaradda Somaliyeed ee Pakistan.

kadib furitaanka Xaflada waxaa Madaxda Jaamacaddu Shahaado Sharaf gu doonsiisay Dhamaan Safiirada ka sow qeyb galay daah-furka Munaasabadda iyadow Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Fedaraalka ay ka mid aheyd Safiirada lagu maamuusay Shahaado Sharafta.

Markii ay dhamaatay Xafaladda Daah –furka munaasabadda ayaa Mas’uuliyiinta Jaamacadda , Safiirada & Marti Sharafta kale ayaa booqday Goobaha Aradayda ku sow bandhigtay Hidaha iyo Dhaqanka waxaa xusid mudan in halkaas wadankasta ku sow bandhigaya waxayaabha uu u leeyahay Hidaha & Dhaqanka.

Aradayda Soomaliyeed ayaa sow bandhigtay waxyaabo badan oo aan tira lagusoo koobi karin kuwaas oo isugu jira noocyada kala duwan ee Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ,dhanka kale waxaa isna halkaasi lagu soo bandhigay Cuntada kala duwan ee soomalida dhaqan ahaan u leeyihiin .

Sidoo kale Waxyaabaha ay ardadu kusoo bandhigeen Xaflada Furitaanak Isbuuca bandhiga Hidaha iyo Dhaqanka ee Jaamacadda (IIU) ayaa waxaa kamid ah Sawiro ka tarjumaayo Taariikhdii Halgamaayshii Somaaliyeed, Magaalowyinka Caanka ah ee Somaaliya , Kheeraadka kala duwan ee Soomalida ilaah ku manadeystay & aqal Soomaali ay kumuujinayeen Asalka Soomaalida iyo waxyaabihii ay isticmaali jireen Dadkii Soomaaliyeed ee Miyiga daganaa.

Ugu Dembeyntii Safiirka ayaa aradyda kula dardaarantay in ay ilaa liyaan dhaqanka Suuban ee soomalida ku faanto, waxeyna si gaar ah kula dardaarantay in waxabarashada ku dadaalaan. Dhanka kale Aradayda Soomalida ayaa uga mahad celeyay Safiirka ka sow qeybgalka Munaasabadda iyagow halkaas ku gudoonsiiyay Shaahado Sharaf.

Wariye Ibrahim Mo’alim Abdullahi
Pakistan/Islamabad.