Sports

Isco oo looga gacan haatinayo garoonka Etihad Stadium.

Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay go’aansatay inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Real Madrid Isco.

City ayaa hore u xiiseyneysay Isco, lakiin kubadsameeyaha qaranka spain ayaa go’aansaday inuu iska sii xirnaado fanaanada xiro Real  shantii xilli ciyaareed ee u danbeysay oo uu ka mid ahaa xidaan kooxda Bernabeu ku ciyaarta.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Sun, City ayaa diyaar u ah inay dib u cusbooneysiiso xiisaha ay u qabto xiddiga heerka caalami ee dalka Spain, kaasoo laga yaabo in loo ogolaado inuu ka tago Real Madrid xagaaga soo aadan.

25 jirkaan ayaa 24 kulan u saftay horyaalka La Liga iyo Champions League xilli ciyaareedkan kooxdiisa madrid, laakiin Real Madrid ayaa qorsheyneysa inay bedesho ciyaartoydeeda xagaaga soo aadan, xiddigii hore ee Malaga ayaa loo ogolaan karaa  inuu u saxiixo koox kale.

Warbixinta ayaa sheegeysa in City ay diyaar u tahay inay ku dalbato xidigan £75m ciyaaryahan inuu ku sugnaa madrid dhaliyay 40 gool 223 kulan oo uu u saftay kooxdiisa ReaL Madrid.