Uncategorized

Isdiiwaan gelinta musharaxiinta Guddoonka Golaha Shaacbka oo maanta la soo gaba gabeynayo

Muqdisho-KNN-Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa maanta soo gaba gabeynayo isdiiwaan gelinta musharaxiinta u taagan qabashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Shalay ayaa waxaa isdiiwaan geliyay ilaa iyo shan musharax oo la gudoonsiiyay shahaadooyinka musharaxnimo

Guddoomiyaha Gudiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in is diiwaan gelinta musharixiinta ay si wanaagsan ku bilaabatay, wuxuuna ku wargeliyay Xildhibaanada musharxiiinta ah ee aan weli is diiwaan gelin in ay heystaan oo keliya maala oo ah maalinta ugu dambeysa isdiiwaagelinta.

Musharaxixiinta shahadooyinka Musharnimo la guddoonsiiyay ayaa waxaa ka mid ah:-

Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarrow

Xildhiban Sheekh Cali Sheekh Maxamed

Xildhibaan C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen)

Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow

Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).