Uncategorized

Isdiiwaangelinta musharaxiinta u tartamaya Guddoonka Golaha Shacabka oo maanta bilaabaneysa

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta bilaabanaya isdiiwaangelinta musharaxiinta u taagan qabashada xilka Guddoonka Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya sida ay shalay shaaciyeen guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha shaacbka.

Gudiga ayaa sheegay in isdiiwaangilinta musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay bilaabaneyso maanta oo Isniin ah taariikhdana ku beegan tahay 23-ka kuna egtahay Talaadada soo socoto taariikhdana ku beegan tahay 24-ka bishan April.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay in hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay dhaceyso 25-ka bishaan oo ku beegan Arbaca Soo socoto ayna soconeysa ilaa  26-ka bishan.

Ugu dambeyn guddiga ayaa cadeeyay in doorashadu ay dhaceyso 30-ka bishaan Abriil oo todobaadka damba ah.