Somali News

Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan hal Askari ayaa ku dhintay tiro kalane way ku dhaawacmeen israsaaseyn maanta Ciidamo katirsan Booliiska Soomaaliya iyo ilaada Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ku dhaxmartay Isgoyska Sanca ee Gobalka Banaadir.

Qofka dhintay ayaa ahaa Askari ilaalo u ah Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir waxaana la sheegayaa in arintaan ay ka dhalatay muran dhaxmaray Ciidamada Booliiska oo wadada u xirneed iyo Ciidanka ilaalada Guddoomiyaha degmada Yaashiid.

Ma jirto ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha amaanka oo arintaan quseysa, sidoo kale ilaa hada kama hadlin Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir oo ku sugnaa goobta markii ay wax dhacayeen.